Wasiirka arrimaha Dibadda oo ku soo dhaweeyay Muqdisho dhiggiisa dalka Masar 

Date:

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo iskaashisha Caalamiga ah ee Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi, ayaa maanta Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Masar Badar Cabdulcaadi oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Wasiir Fiqi oo Shir-Jaraa’id qabtay ayaa faah faahiyay muhiimadda ay tallaabadan u leedahay xoojinta xiriirka labada dal, isagoo xusay in bilaabista duullimaadyadan tooska ah ay qayb ka qaadanayso xoojinta iskaashiga dhaqaale iyo ganacsi ee Wadanka.

Wasiirka ayaa sidoo kale soo hadal qaaday doorka hormuudka ah ee Masar ay ka ciyaareyso taageeridda mowqifka dowladda Soomaaliya, isagoo carabka ku adkeeyay in Masar ay sii wadi doonto ka hortagga tallaabooyin kasta oo hoos u dhigaya madax-banaanida dalka.

“Jamhuuriyadda Masar ayaa ku celisay mowqifkeeda diidmada xadgudubyada Itoobiya, kaddib wadahadal toddobaadkii hore khadka taleefonka ku dhaxmaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Masar, Abdel Fattah El-Sisi.” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Duulimaadka Tooska ah ee diyaaradda Egypt Air ee la daah furay, ayaa ka dhigan tallaabo weyn oo loo qaaday dhanka sare u qaadida iskaashiga dhaqaale ee labada dal, taasoo ka tarjumaysa himilooyinka guud ee labada shacab ee walaalaha ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Turkiga oo Ankara ku yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga Warbaahinta

Ankara, 25 Febraayo 2026: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...

Wasiirro shir Jaraa’id ay qabteen uga hadlay Baadda Khawaarijtu ka qaaddo Shacabka

Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shir...

NISA oo 23 dhagar-qabe ku dishay howlgallo Ka dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

    WAR-SAXAAFADEED Muqdisho, February 24, 2026: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo...

Shir lagu xoojinayo Iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga oo ka furmaya Ankara

Magaalada Ankara ee dalka Turkiga waxaa ka furmaya shir...