Duqa Muqdisho oo dhagax dhigay waddo laami ah oo laga hirgelinaayo Degmada Daarusalaam 

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), ayaa dhagax dhigay waddo Laami ah oo laga hirgelinaayo Degmada Daarusalaam ee Magaalada Muqdisho.

Duqa Muqdisho ayaa boogaadiyay iskaashiga ka dhaxeeya Bulshada, Ganacsatada iyo Maamulka Degmada ee lagu horumarinaayo Kaabayaasha isku socodka waddooyinka, asigoona xusay in Barnaamijka dalkaaga ku dhiso hal doolar loogu gol leeyahay in Bulshada ay iyadu isku tashato isla markaana ay qeyb ka noqdaan horumarka dalka.

Munaasabadda dhagaxdhiga waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Degmada Daarusalaam Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Maxamuud, Madax ka socotay Salaam Bank oo iyagu gacan ka geysanaya dhismaha wadadaan iyo qeybaha kala gedisan ee Bulshada Degmada Daarusalaam.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud spoke with the re-elected...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wadahadal Khadka telefoonka...

Guddoomiyaha SoDMA oo howla shaqo ku jooga dalka Pakistan oo booqday Hay’adda NDMA. 

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle...

Wasiirka Wasaaradda Teknoolojiyadda XFS oo ka qeyb galay shirka Golaha Wasiirrada Isgaarsiinta Carabta.

Magaalada Qaahira ee Dalka Masar ayaa martigelisay shir heer...