Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ah

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, ayaa shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka oo ku qabsoomay xarunta guddoonka Iyo guddiyada ee Villa Hargeysa.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo kulanka furay,ayaa ugu horeyn xubnaha Guddiga Joogtada u faahfaahiyay safaro mudadii uu goluhu xirnaa ku tagay dalka Turkiga halkaas oo uga qeyb galay shir caalami ah oo arrimaha Falastiin looga hadlayay isaga oo sheegay in shirkaasi Soomaaliya ay ka cadeysay mowqifkeeda ku aadan qadiyada Falastiin.

Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,ayaa faahfaahin ka bixiyay safar isaga Iyo wafdi uu hogaaminayo ay ku tageen wadanka aynu walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti halkaasi oo uu kulamo mira dhal ah kula qaatay dhigiisa dalka Jabuuti iyo madaxda kale ee wadankaasi.

Dhinaca kale Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa ka warbixiyay safar uu ku tagay Magaaladda Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya halkaas oo uu uga qeyb galay kulankii 17-Aad ee guddoomiyaaasha baarlamaanada wadamada ku bahoobay Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Africa (EAC), kaasoo looga hadlayay xalinta caqabdaha hortaagan horumarinta ajendayaasha ururka, waxaana Guddoomiyaha uu shirkaasi ka jeediyay khudbad uu kaga hadlayay muhiimadda Soomaaliya ay u leedahay ku biirista ururka gaar ahaan kaalinta kaga aadan Baarlamaanka Soomaaliya.

Ugu dambeyn guddoomiyaha ayaa sheegay in laga maarmaan ay tahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo xulo xubnaha Soomaaliya ku matalaya Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Africa (EAC).

Intaasi ka dib xubnaha Guddiga Joogtada ah ayaa ka dooday furitaanka kalfadhiga shanaad ka dib ajendayaasha horutabinta u leh fadhiyada guud ee Golaha Shacabka, waxaana Guddoomiyaha oo kulanka soo xiray uu kula dardaarmay xubnaha Guddiga Joogtada ah in ay xooga saaraan howlaha baaxada leh ee Golaha horyaala kalfadhiga shanaad si looga shaqeeyo shuruucda muhiimka u ah horumarka dowladnimo ee dalka.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...