Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay Geerida Guddoomiye Maxamed Sheekh (JAWAARI)

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka tacsiyeeyey geerida ku timid Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, oo ku geeriyooday maanta magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa xusay doorka taariikhiga ah ee Marxuumku uu ka soo qaatay horumarinta iyo dhismaha hay’adaha dowladeed ee Soomaaliya. Isagoo ka mid ahaa haldoorka ummadda Soomaaliyeed ee naf iyo maalba u huray dib-u-dhiska qarankeena.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehel iyo qaranka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka, Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo muddo dheer u soo shaqeynayey qarankeenna, dhaxal wanaagsanna uga tagay, isagoo door muuqda ka soo qaatay dib u soo celinta dowladnimada Soomaaliya”.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa marxuumka Alle uga baryay in uu janadii Firdowsa ka waraabiyo, samir iyo iimaanna uu ina ka siiyo dhammaanteen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ka qayb galay Shirka Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Sare ee Qaaradda Afrika.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Jarmalka oo booqasho ku yimid Soomaaliya.

Wafdi heer sare ah oo ka socday Dowladda Jamhuuriyadda...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulan miro dhal ah la qaatay dhiggiisa dalka Pakistan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, mudane Xildhibaan Cali...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war-saxaafadeed ka soo saartay howlgaladdii dhacay 24saac ee u dambeeyay.

WAR-SAXAAFADEED: Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Danab, oo...