Wasiir Roobow” Waxaan soo marnay iyadoo xujeydeenu Buundooyinka hoos daadsan tahay maanta meel fiican ayaan soo gaarnay”.

Date:

-Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha diinta XFS Mukhtaar Roobow Cali ayaa Magaalada Makkah ee Boqortooyada Sacuudiga uga qeyb galay Munaasabad Ballaaran oo lagu soo gebagabeynayay mowsimkii Xajka 1445 oo shaqadiisu soo socoto laga soo bilaabo Bishii September ee sanadkii hore ee 2023.

Munaasabadda waxaa ka qeyb galay Masuuliyiin ka tirsan Qunsuliyadda guud ee Soomaaliya ku leedahay Magaalada Jiddah, madaxda qaar ka mid ah shirkadaha arrimaha xajka Sacuudiga, madaxda shirkadaha iyo xamlooyinka adeegga xajka Soomaaliya iyo marti sharaf kale.

Munaasabadda waxaa lagu soo bandhigay warbixinta dadaalkii bilaha badan qaatay ee xajka iyo guulaha laga gaaray sanadkaan adeegga xajka Soomaaliya,iyadoo casharo badan laga bartay dhacdooyinkii sanadkii tagay ee 2023.

Dr Khadar Xaaji Daahir Suleymaan Madaxa Arrimaha Xajka Soomaaliya ayaa ka sheekeeyey Dadaalkii loo soo galay in xujeyda Soomaaliyeed Sanadkaan Helaan Adeeg xaj oo sarreeya.”Shaqada xajka aan maanta gebagebaynay waxaa ka horeysay 9 bilood ooo shaqo ah, oo wasaaradad Awqaafta iyo arrimaha diinta iyo shirkadaha oo maalinkasta, bilkas shaqo ay qabanayeen ayaa maanta inoo soo dhamaatay,26dii september ayaa wasiir Awqaafta waxaa uu iclaamiyay mowsimka Xajka, xiligaasi oo loo arkaayay in ay ahayd waqti hore, bishii Octo iyo Novermber waxaa dhacay tartamadii adeegga Xajka, 72 shirkadood ayaana ku guuleystay adeegga Xajka,shirkadda Daallo-arilines na waxay ku guuleysatay daabulidda xujeyda,xujeyda Soomaaliyeed waxay u baahanyihiin wacyigelin xoogan, inta ay dalkooda joogaan, taasina waa in la iska kaashadaa”.

Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha Diinta XFS Mukhtaar Roobow Cali ayaa uga mahadceliyay madaxweynaha iyo raiisul wasaaraha iyo dhamaan dadkii kale kalintooda uga qaateen dhiirogelinta adeegyada loo qabanayo xujeyda Soomaaliyeed,isagoo soo hadal qaaday isbedeladii sanadkan jiray.

Wuxuu sheegay in shirkadihii qaabilsanaa adeegga xujeyda ay fuliyeen balantii, sida shirkadihii basaska, iyo kuwii qaabilsanaa cunooyinka xujeyda Soomaaliyeed.

“sanadkan xoogaa meel fiican baa la soo gaaray dhaliil ma dhamaanayso,sanadkii hore waqtigan oo kale qeyladu way badnayd, sanadkan waan ka roonahay intii,inta dhiman sanadka dambe meeshaas aan ka sii qaadno, meel fiican bay joogtaa, hadda waxaa inoo yaala xujeydu in ay safraan oo nabad ku tagaan dalka, Daallo waxaan ka codsanaynaa dadka waayeelada ah iyo dadka xanuunsan in ay mudnaanta siiyaan, si deegaankooda ugu laabtaan,iyadoo aan qofna la dulminaynin”.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixda dhiggiisa  Sacuudiga 

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir...

Madaxweynaha JFS oo hambalyo u diray Dagmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir 

Muqdisho, Nofeembar 06, 2025: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...