Dowladda Soomaaliya iyo QM oo ka wada hadlay Soo gabo gabaynta Hawlaha Xafiiska UNSOM

Date:

-Dowladda Soomaaliya ayaa wadahadal la billowday Ergada Siyaasadda ee Howlgalka Qarammada Midoobay ee Soomaaliya UNSOM, kaas oo ay ujeeddadiisu tahay sidii loo soo geba gebeyn lahaa howlaha Xafiiskaas.

Kulan taariikhiga ah ayay shalay isku soo hor fariisteen Guddi farsmo oo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay howshaa u xilsaartay iyo Guddi farsamo oo ka socda UNSOM,Wada xaajoodkan oo hadda billow ah ayaa toddobaadyada soo socda sii xoogeysan doona, iyada oo labada Guddi looga fadhiyo in ay dejiyaan jadwal UNSOM looga wareejinayo howlaha ay ka fuliso Soomaaliya.

Howlaha xafiiska siyaasadda Qaramada midoobay waxaa qaarkood la wareegi doonta Dowladda Soomaaliya, qaar kalena waxaa sii wadi doona Xafiiska Qarammada Midoobay ee kan beddeli doona oo ah mid la nooc ah xafiisyada QM ay ku leedahay dalalka caalamka badankood.

Guddiga farsamo ee Soomaaliya oo ay xubno ka yihiin mas’uulyiin ka socda Xafiisyada Madaxweynaha, Ra’iisal Wasaaraha, Wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo Amniga Qaranka, waxaa hoggaaminyay Danjire Yusuf – Garaad Cumar, dhinaca UNSOM, inkasta oo Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud, Danjire James Swan uu khadka telefoonka New York uga qeyb galay, waxaa Hoggaaminayay George Conway oo ah ku Xigeenka Eregyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay.

Tallaabadani waxay astaan u tahay horumarka ay gaartay Dowladnimada Soomaaliya, iyada oo sannadka soo socda ee 2025 ay Soomaaliyaa xubin ka noqon doonto Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...