Guddoomiyaha SoDMA oo dalka Japan uga qeybgalay Shir looga hadlayay fahamka Khataha

Date:

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa magaalada Himeji ee dalka Japan kaga qeybgalay Shirka Madasha caalamiga ah ee fahamka khatarta Musiibada “Understanding Risk Global Forum “.

Guddoomiyaha, ayaa madashaan ka jeediyay khudbad uu kaga hadlaayo sooyaalka hay’adda SoDMA, guulaha ay gaartay labadii sanno ee la soo dhaafay, howlaha hortabinta u leh hay’adda iyo caqabadaha horyaala.

Sidoo kale Guddoomiyaha, ayaa ka qeybgalay shirar dooceedyo iyo doodo looga hadlaayey arrimaha la xiriira maaraynta musiibooyinka dabiiciga ah iyo kuwa aan dabiiciga aheyn hay’adda SoDMA,ayaa ah Hay’ad u xilsaaran, latacaalida iyo maareynta masiibooyinka.

Shirkaan waxaa soo Agaasimay Bangiga Adduunka , waxaana martigalisay Dowladda Japan.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

RW Xamsa Cabdi Bare oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Turkiga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Guddoomiyey Shirka Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo magacaabay Agaasimaha Guud Arrimaha Dastuurka ee Wasaaradda Caddaaladda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Soomaaliya iyo Pakistan oo kala saxiixday Heshiis Ka-Dhaafid Fiiso oo ku Saabsan Baasaboorrada Diblomaasiyadeed

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan...