Ciidanka Xoogga Dalka oo howlo sifeeyn ah ka sameeyay Degaanka Baraag Sheekh Caamir

Date:

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan ururka 86-aad ee guutada 77, ayaa Howlgal sifeeyn ah ka sameeyay Deeganka Baraag Shiikh Caamir, iyagoo isku furay dhulka howdka ah ee u dhaxeeya Masagawaa iyo Baraag Shiikh Caamir.

Taliyaha Ururka 86-aad guutada 77,Laba Xidigle Cabdinuur Yuusuf Cali qadaaye, ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay in ujeedka Howlgalka uu ahaa mid lagu burburinayay Saldhig ay Khawaariijta ku dhuumaaleeysanayeen oo ku yaalay deegaanka Bariga Galgaduud.

Ciidaka Xoogga Dalka iyo kuwa dib u xoreeynta Deeganka, ayaa Howlgalo isdaba-joog ah ka wada deegaano hoostago Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud.

Soomaaliya ayaa dhawaan ka xorroobi doonto haraadiga Khawaarijta ah ee ku dhuumaalaysanaayo,qeybo ka mid ah gobalada dalka.Ciidamada kala duwa ee dowladda oo kaa shanaayo Shacabka,ayaa isku xilsaaray Baabi’inta cadow ummadda Soomaaliyeed ee Khawaarijta ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha ciidanka dhulka oo gaaray deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto...

Wasiirka Arrimaha guddaha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta XFS Mudane Xildhibaan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo hoggaamiyey munaasabad lagu wareejinayey agab caafimaad

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhagax dhismaha wadadda Cabdiqaasim

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....