Wasiirka Awqaafta Soomaaliya oo kulan xog-wareysi ah kula qaatay Mas’uuliyiinta Dowladda Magaalada Makkah

Date:

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta dowlada Federaalka Soomaaliya, Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali, ayaa kulan xogsiiin la yeeshay qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta Dowladda oo sanadkaan qeyb ka ah Xujaayda Soomaaliyeed ee ku sugan, Magaalada Makkah ee Dalka Sacuudiga.

Kulankaan oo ay ka soo Qeyb galeen, Xildhibano, Wasiiro, iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulada Jubbaland iyo Gobolka Banadir.Oo halkaas u joogo inay gudtaan Wajibaadka xajka.

Mas’uuliyiinta goobta ka hadashay dhamaantood, ayaa si weyn u amaaney howlaha adeegga Xajka Sanadkaan oo ay wado Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoo dhinaca kalena ku baaqey in dadaalka la Sii badiyo.

Waa markii ugu horreysay oo kulan noocaan oo kale ah madax ka socota Dowladda Federaalka loogu qabto Magaalada Barakeysan ee Makkah, ee Dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoonka Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Guddiyada Dib-u-eegista Dastuurka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Shirka Maalgelinta Caafimaadka Soomaaliya oo ka furmay magaalada Nairobi

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiir-dawlihii hore ee Wasaaradda Amniga oo bogaadiyey guulaha laga gaaray sugidda amniga caasimadda

Wasiir-dawlihii hore ee Wasaaradda Amniga, Mudane Farxaan Cali Axmed,...

25-carruur Soomaaliyeed oo adeeg caafimaad oo muhiim ah ka helay Talyaaniga

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda JFS, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji,...