Hayโ€™adda SoDMA oo deeq raashin ah u diray Degmada Ruunirgood

Date:

Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka ee SoDMA, ayaa Gawaari sida Shixnado gargaar ah waxa ay u dirtay degmada Ruunirgood ee gobolka Shabeellada dhexe.

Gaadiidkaan ayaa wada gargaar ka qeybahiisa kala duwan sida,Cuntooyinka nolosha aadanaha muhiimka u ah.waxa ay hayโ€™adda ugu talagashay in la gaarsiiyo Shacabka degmadaas iyo degaannada ku xeeran ee maalmo ka hor Khawaarijta laga xorreeyey.

Gargaarkaan oo ay wadaan in ka badan 10 Gaari , waxaa Muqdisho ka sagootiyey guddoomiyaha Hayโ€™adda โ€™adda Maareynta Musiiboyinka mudane Maxamuud Macalin Cabdulle.

Hayโ€™adda SoDMA ayaa u xilsaaran dowladda Inay kaalmo,Gaarsiiso dadka u baahan oo iskugu jira barakacayaal,Agoon,Dadka baahiyaha gaarka qaba, Dadka ay abaaruhu soo barakiciyeen,Qoosaska danta yar ee aan awoodin inay dabka shitaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale