Guddoomiyaha Hey’adda Maareynta Masiiboyinka qaranka SoDMA Mudane Maxamuud Macalin Abdulle oo ay Wehlinayaan Guddoomiye ku-xigeenka hayโadda Dr. Axmed Cabdi Aadan, ayaa Xarunta Hayโadda SoDMA kulan kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Cabdirisaaq cali Ibraahim iyo madaxa Social pillar ka ee qorshaha isbadalka Qaran ee โNational Transformation Plan” oo maanta booqasho ku yimid hayโadda SoDMA.
kulanka ayaa looga hadlay qorshaha isbadalka Qaranka oo uu daadihinaayo Xaafiiska RW iyo doorka SoDMA ku leedahay si gaar ah, Yaraynta Khatartaha ka shaan Musiibada ee qorshaha Isbadalka Qaran NTP iyo sida hayโadda SoDMA u qaadan laheed doorkeed muhiim ka ah.
Madaxda ka socotay xaafiiska RW ayaa warbixin ka siiyay madaxda hayโadda Maaraynta Musiibooyinka Qorshaha isbadalka Qaranka,kaasi oo looguurayo marka uu dhamaado qorshihii hormarinta qaranka 9aad.






