Wasiirka Wasaaradda Gaashandhigga iyo Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa Muqdisho ku yeeashay

Date:

Wasiirka Wasaaradda Gaashandhigga Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ahna Madaxa Xafiiska Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) James Swan ayaa magaalada Muqdisho ku yeeashay kulan looga hadlayay horumarka laga gaaray dagaalka Khawaarijta, dhimista ciidamada ATMIS iyo dib u habeynta ammaanka.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed oo ka warbixiyay horumarka baaxadda leh ee laga gaaray howlgaladda ciidamada Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay dalka kaga xoreynayaan argagixisada ayaa dhanka kale tilmaamay muhiimada xiligan ay leedahay xoojinta taageerada UNSOM.
Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) James Swan ayaa dhankiisa Dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed ku ammaanay sida naf hurnimada leh ee ay uga go’antahay in ay dalkooda ka xoreeyaan kooxaha Argagixisada ah ee dhibaatada ku haya Soomaaliya iyo dalalka dariska la ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...

Taliyaha CXDS oo dhagax-dhigay Saldhigga degmada Howlwadaag.

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gen. Sulub Axmed Firin ayaa...

Guddiyada Maaliyadda iyo Haweenka Hirshabeelle oo Jowhar ku qabtay kulan dadweyne.

Qaar ka mid ah Guddiyada Maaliyadda iyo Haweenka Baarlamaanka...

Ciidanka Xoogga oo toogtay naftii hallige khawaarij ah

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa afaafka hore ee xeradda...