Wasiir Roobow: Ummadda Soomaaliyeed waxaan u sheegaa ogaada Xajku dalxiis ma ahan

Date:

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS Mukhtaar Roobow Cali oo magaalada Makkah Almukaramah kula kulmay Ma’suuliyiinta shirkadaha adeegga Xajka iyo xubnaha guddigga Bicisada ee wasaaradda Awqaafta ayaa si weyn uga hadlay sidii loo gudan lahaa waajibaadka shaqo ee ka saaran u adeegista xujeyda Soomaaliyeed.

Wuxuu soo hadal qaaday adeeggi xajka ee sanadkii tagay 2023, isagoo sheegay in loo baahanyahay in casharo laga barto qaladaadkii dhacay sanadkii hore, wixii wanaagsanaa iyana la xoojiyo.

Wasiir Roobow ayaa ku adkeeyey madaxda shirkadaha iyo guddiga bicisada iyo si wada jir ah ay ugu dadaalaan sidii hufnaan loogu gudan lahaa waajibka saaran, isbedel dhab ahna la yimaadaan.

Dhanka Wasiir Mukhtaar Roobow ayaa nasiib darro ku tilmaamay dad uu sheegay in ay ka shaqeynayaan sidii loo fashilin lahaa adeegga loo sameynayo xujeyda Soomaaliyeed.

“Waxaa nasiib darro ah in ay jiraan dad dhahaayo xajkaan fashilinaynaa,subxaana Allah, xajku waa rugni min arkaanul islaam ilaahay baa iska leh, xajka qofka dhahaayo waan fashilinaynaa ilaahay huu la dirirayaa, xagee buu ku dagaalamayaa baytulaahi Xaram, yuu fashilinayaa duyuufu raxmaan, war xageed u socotaa, war dantaada iyo waxay umaddu leedahay kala saar, dadka nuucaas ah ilaahay haka baqaano. Ayuu yiri wasiir Roobow.

Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha Diinta XFS Mukhtaar Roobow Cali ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in wixii dhaliil iyo sixitaan ah diyaar u yihiin, balse wuxuu nasiib daro ku tilmaamay in baraha bulshada lagu faafiyo dacaayadaha been abuurka ah.

Ugu dambeyn wuxuu guud ahaan muwaadiniinta Soomaaliya ee jooga Xajka ay yihiin muraayad ka tarjumaysa dalkooda, isagaa intaasi ku daray in uu jiro isbedel ay kula jaanqaadi karaan dowladaha kale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixda dhiggiisa  Sacuudiga 

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir...

Madaxweynaha JFS oo hambalyo u diray Dagmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir 

Muqdisho, Nofeembar 06, 2025: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...