Wasiirka Cadaaladda XFS oo dahfuray bilaabidda la tashiyada Dadweyne ee cutubyada 5-aad iyo 9-aad Dastuurka KMG

Date:

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Xasan Macalim oo kulan fogaan arag ah la yeeshay wasiirada Dastuurka ee dowladaha xubnaha ka ah dowlada federaalka ayaa daahfuray bilaabidda la-tashiyada shanta cutub ee hadda lagu sameeynayo dib-u-eegista farsamo kuwaas oo laga fulinaayo dowlad goboleedyada dalka.

Kulanka waxaa kasoo qeyb galay wasiirada Dastuurka Galmudug,Hirshabelle,Koonfur Galbeed iyo Agaaasimaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Jubbaland.

Wasiirka ayaa ugu horreyn uga mahadceliyay dhammaan wasiirada dastuurka dowlad goboleedyada doorkooda wanaagsan ee ku aadan dib-u-eegista Dastuurka iyo wadashaqaynta Wanaagsan ee kala dhaxaysa

Wasaaradda Caddaaldda iyo
Arrimaha Dastuurka XFS. ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda la-tashiyada dastuurka ay u leeyihin isagoo sheegay in bulshada ay leeyihiin dastuurka ayna muhiim tahay in laga qeyb galiyo, oo ay helaan fursad ay ku dhiibtaan aragtidooda.

Dhanka kale,Wasiirada Dastuurka Dowladaha Xubnaha ka ah dowlada Federaalka ayaa dhankooda bogaadiyay doorka Wasaaradda iyo labada Guddi ee dastuurka ee ku aadan dhammaystirka dastuurka iyagoo sheegay in ay ka mahadcelinyaan daahfurka uu wasiirka cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurku u sameeyay maanta latashida ballaadhanee dhawaan bilaaban.

Wasiirada kasoo qeyb galay kulanka waxay isku raaceen dhammantood in latashida dadweynaha laga fuliyo goobo cusub oo aan horay loo gaarin si fursad u helaan bulshada ku dhaqan dhammaan magaalooyinkaas kala gadisan ee dalka ee an horay u helin fursadda ka qeyb-galka dib-u-eegista dastuurka ayada oo ay dhawaan bilaabanayaan latashiyo ballaaran oo lagu dardar galinaayo dib-u-eegista dastuurka.

Wasiir Xasan Macallim oo kulan soo xiray ayaa ku bogaadiyay wasiirada dastuurka in ay daajiyaan la tashiyada dastuurka islamarkaana ay soo aruuriyaan aragtida dadweynaha kadibnaay u soo gudbiyaan hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka ee heer federaal.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Bangiga dhexe oo xoojinaya shuruudaha Akoon furashada

Bangiga dhexe ee Soomaaliya isaga oo la kaashanaya hay’adda...

Ra’iisul wasaare ku xigeenka 2-aad oo ka qaybgalay saxiixa heshiis ay gaareen Hormuud iyo Save the Children

Ra’iisul wasaare ku xigeenka 2-aad ee xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiir Alcadaala oo qaabilay lataliye sare oo ka socda safaaradda Mareykanka

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda...

Wasiirka maaliyadda oo kulan la yeeshay madaxda ururka Bangiyada dalka

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi imaan Cige...