Qaramada Midoobay oo mar kale ku baaqday in la joojiyo waxyeelleynta dadka rayidka ee Gaza

Date:

Madaxa gargaarka Qaramada Midoobay ayaa Sabtidii walaac ka muujiyay weerar ay Israa’iil ku qaadday xerada qaxootiga ee Nuseirat ee bartamaha marinka Qaza, halkaas oo ay ku dhinteen 210 qof,ayna ku dhaawacmeen in ka badan 400 oo kalena.

“Sawirrada dhimashada iyo burburka ee ka dhashay hawlgalkii milateri ee Israa’iil ee Gaza ayaa caddaynaya in maalin kasta oo dagaalkani uu sii socdo uu sii kordhayo argagaxa,” Martin Griffiths ayaa ku yiri hadal uu soo saaray.

“Maanta, xerada qoxootiga ee Nuseirat waa xudunta dhibaatada ee dadka rayidka ah,mana jiraan meel nabdoon oo ku taalla Gaza”ayuu yiri Madaxa gargaarka Qaramada Midoobay.

Xafiiska warbaahinta ee Xamaas ayaa sheegay in ugu yaraan 210 falastiiniyiin ah ay ku dhinteen in ka badan 400 oo kalena ay ku dhaawacmeen duqeymo ba’an oo diyaaradaha Israa’iil ay la beegsadeen xerada qaxootiga ee Nuseyrat, deegaanada bariga Deir al-Balah iyo xerooyinka al-Bureij iyo al-Maghazi ee bartamaha Gaza.

Israa’iil ayaa sheegtay inay badhtamaha Qaza ka soo furteen afar la hayste oo Israa’iili ah, ka dib hawlgal milateri oo dhulka iyo cirka ah.

Israa’iil ayaa sii waday weerarka naxariis darada ah ee ay ka waddo Gaza,inkastoo Qaramada Midoobay ay soo saartay qaraar lagu dalbanayo xabbad joojin degdeg ah.

In ka badan 36,700 oo falastiiniyiin ah ayaa ku dhimatay dagaalka Israel ee Gaza,halka lagu dhaawacay 83,500 oo kale mudada siddeeda bilood ah ee uu socday dagaalka Xamaas iyo Israel.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shacabka ugu hambalyeeyay maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Madaxda Haya’adda Qaxoontiga Qaranka oo xafiiskooda ku qaabilay Ku-xigeenka Wakiilka Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI), Mudane Axmed...

Wasiirka Amniga XFS oo furay barnaamuj diiradda lagu saarayo horumarinta Wejiga labaad ee Barnaamijka Wadajirka Booliska

Wasiirka Amniga Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh...

Galmudug oo shaacisay in dadka iyo duunyada ku nool Mudug ay saameyn xooggan ku yeesheen abaaraha dalka ka jira

Wasaaradda Gargaarka, Maareynta iyo Masiibooyinka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa...