Qaramada Midoobay oo mar kale ku baaqday in la joojiyo waxyeelleynta dadka rayidka ee Gaza

Date:

Madaxa gargaarka Qaramada Midoobay ayaa Sabtidii walaac ka muujiyay weerar ay Israaโ€™iil ku qaadday xerada qaxootiga ee Nuseirat ee bartamaha marinka Qaza, halkaas oo ay ku dhinteen 210 qof,ayna ku dhaawacmeen in ka badan 400 oo kalena.

โ€œSawirrada dhimashada iyo burburka ee ka dhashay hawlgalkii milateri ee Israaโ€™iil ee Gaza ayaa caddaynaya in maalin kasta oo dagaalkani uu sii socdo uu sii kordhayo argagaxa,โ€ Martin Griffiths ayaa ku yiri hadal uu soo saaray.

โ€œMaanta, xerada qoxootiga ee Nuseirat waa xudunta dhibaatada ee dadka rayidka ah,mana jiraan meel nabdoon oo ku taalla Gazaโ€ayuu yiri Madaxa gargaarka Qaramada Midoobay.

Xafiiska warbaahinta ee Xamaas ayaa sheegay in ugu yaraan 210 falastiiniyiin ah ay ku dhinteen in ka badan 400 oo kalena ay ku dhaawacmeen duqeymo baโ€™an oo diyaaradaha Israaโ€™iil ay la beegsadeen xerada qaxootiga ee Nuseyrat, deegaanada bariga Deir al-Balah iyo xerooyinka al-Bureij iyo al-Maghazi ee bartamaha Gaza.

Israaโ€™iil ayaa sheegtay inay badhtamaha Qaza ka soo furteen afar la hayste oo Israaโ€™iili ah, ka dib hawlgal milateri oo dhulka iyo cirka ah.

Israaโ€™iil ayaa sii waday weerarka naxariis darada ah ee ay ka waddo Gaza,inkastoo Qaramada Midoobay ay soo saartay qaraar lagu dalbanayo xabbad joojin degdeg ah.

In ka badan 36,700 oo falastiiniyiin ah ayaa ku dhimatay dagaalka Israel ee Gaza,halka lagu dhaawacay 83,500 oo kale mudada siddeeda bilood ah ee uu socday dagaalka Xamaas iyo Israel.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada...