Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Kismaayo kusoo xiray Shirka Guddiga jootada ah

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa shir guddoomiyay kulanka banbaxa guddiga ah ee Golaha Shacabka oo maanta lagu soo gaba gabeeyay Magaaladda Kismaayo ee Caasimadda KMG ah Dowlad Goboleedka Jubaland, waxaana kulanka sidoo kale ka qeyb gashay Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar.

Kulanka oo maalmihii lasoo dhaafay ka socday Magaaladda Kismaayo ayaa xubnaha Guddiga Joogtada waxa ay uga hadlayeen ajendayaasha kalfadhiga shanaad ee golaha shacabka.

Inta kulanka uu socdaa ayaa waxaa lagu ansixiyay laba qeybood oo kala ah ajendayaasha guud ee kalfadhiga shanaad iyo qeybta labaad oo ah in hoos loo daadago islamarkaana loo wajaho sida ay ajendayaasha horutabinta u kala leeyihiin.

Sidoo kale xubnaha Guddiga Joogtada ah ayaa ka hadlay in kalfadhiga shanaad lagu sii amba qaado islamarkaana lagu dhameystiro inta ka hartay ajendayaashii kalfadhigii afaraad ay xukuumadda soo gudbisay Iyo kuwo cusub oo ay kalfadhiga shanaad soo gudbisay kuwaas oo hada Golaha horyaala.

Shirka Guddiga Joogtada oo maanta si rasmi ah loo soo gaba gabeeyay ayaa xubnaha Guddiga Joogtada waxa ay isku raaceen in kalfadhiga shanaad xoogaa lagu saaro ajendayaasha muhiimka u ah dowladnimada Soomaaliya.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa xubnaha Guddiga Joogtada ah uga mahadceliyay maalmihii shirka uu socday dadaalkii Iyo howlkarnimadii ay muujiyeen, waxaa uuna dhanka kale u mahadceliyay madaxda Iyo shacabka Dowlad Goboleedka Jubaland soo dhoweyntii ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shacabka ugu hambalyeeyay maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Madaxda Haya’adda Qaxoontiga Qaranka oo xafiiskooda ku qaabilay Ku-xigeenka Wakiilka Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI), Mudane Axmed...

Wasiirka Amniga XFS oo furay barnaamuj diiradda lagu saarayo horumarinta Wejiga labaad ee Barnaamijka Wadajirka Booliska

Wasiirka Amniga Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh...

Galmudug oo shaacisay in dadka iyo duunyada ku nool Mudug ay saameyn xooggan ku yeesheen abaaraha dalka ka jira

Wasaaradda Gargaarka, Maareynta iyo Masiibooyinka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa...