Duqa Muqdisho oo soo dhaweeyay guulaha is-daba joogga ah ee ay gaartay dowladda FS

Date:

-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Madaxda Qaranka ugu mahad celiyay guulaha isdaba joogga ah ee ay ka gaartay siyaasadda arrimaha dibadda iyo tan gudaha.

Guddoomiyaha oo ka qeyb galay kulan ballaaran oo uu Maamulka Gobolka Banaadir iyo howl wadeennada Maamulka Gobolka iyo dowladda hoose ee Xamar ku taageerayeen uguna mahad celinayeen Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamud in Soomaaliya ay xubin ka noqotay Golaha Amaanka Qaramada Midoobay ayaa sheegay in guulahaasi ay horseed u yihiin in Soomaaliya ay mar kale cagaheeda si buuxda ugu istaagto.

Kulankan mahad celinta ah waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Guddoomiyaasha Degmooyinka, Aggaasimayaal, iyo kumanaan kamid howl wadeenada Maamulka Gobolka Banaadir iyo dowladda hoose ee Xamar.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo hoggaamiyey munaasabad lagu wareejinayey agab caafimaad

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhagax dhismaha wadadda Cabdiqaasim

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Safiirka Soomaaliya ee Koonfur Afrika oo ka qayb galay kulan ay isugu yimaadeen safiirrada dalalka Afrika ee Koonfur Afrika

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Koonfur Afrika,...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud spoke with the re-elected...