Wasiirka Maaliyadda XFS oo Nairobi kulan muhiim ah kula yeeshay Agaasimaha Bangiga Adduunka u qaabilsan Soomaaliya

Date:

-Wasiirka wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa magaalada Nairobi kulan muhiim ah kula qaatay Agaasimaha Bangiga Adduunka u qaabilsan dalalka Soomaaliya, Kenya, Uganda iyo Rwanda Mr. Keith Hansen iyo Wakiilka Xafiiska Soomaaliya ee Bangiga Adduunka Kristina Svensson.

Kulanka labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray horumarinta mashaariicda Bangigu ka fuliyo Soomaaliya oo ah kuwo waxtar u leh, Dowladda iyo Bulshada intaba, sidoo kale waxaa laga wada hadlay kadib barnaamijkii deyn cafinta, sidii loo ballaarin lahaa taageerada uu siiyo Dowladda Soomaaliya.

Bangiga Adduunka ayaa ka mid ah hey’adaha caalamiga ah ee sida joogtada ah u taageera Dowladda Soomaaliya, waxa uuna ku leeyahay mudnaan gaar ah gudaha dalka Soomaaliya.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Soomaaliya oo Ka Qayb gashay Kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Hindiya iyo Carabta

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir kula qaatay magaalada Jigjiga Madaxda Gobolka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweynaha JFS oo si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Jigjiga

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu soo...