Guddoomiyaha Hayโ€™adda SoDMA oo kulan la qaatay Safiirka Dowladda Qatar u jooga Soomaaliya

Date:

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka, Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa xarunta dhexe ee SoDMA kulan kula qaatay Safiirka Dowladda Qatar u jooga Soomaaliya, Dr Cabdullahi Binu Salem Al Nuaimi.

Kulankaan ayaa looga hadlay waxyaabaha ka fulay mashariicdii ay Dowladda Qatar hayโ€™adda u ballanqaadday, dhameestirka waxa ka dhiman, sidoo kale Safiirka ayaa Guddoomiyaha ku wargeliyey in ka dowlad ahaan hayโ€™adda ay la fulin donaan mashaariic cusub oo hor leh, kuwaas oo ay ka mid yihiin u adkaysiga aafooyinka, soo kabashada iyo xalalka waara.

Mashaariicdaan ayaa hayโ€™adda SoDMA waxa ay ka saacidi doonaaan helista Gadiidka gurmadka deg-degga ah, diyaarinta goobaha biyo keydinta, qodista ceelal biyoodyo iyo in gargaar la gaarsiiyo barakacyaasha dib u dajina loogu loo sameeyo goobihii ay ka yimaadeen.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Maxamuud Macallin ayaa uga mahadceliyay dowladda Qatar garab istaaggeeda walaalnimo, waxaana intaas kadib kormeer ku tageen xarunta qaran ee ka digista halis-wadareedka hayโ€™adda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale