Bangiga Dhexe ee Soomaaliya oo la guddoonsiiyay abaalmarin Caalami ah

Date:

Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa la guddoonsiiyay abaalmarinta (Excellence in Banking Award) oo ay bixiyeen Global Somali Awards, oo fadhigoodu yahay Columbus, Ohio, ee waddanka Mareykanka.

Abaalmarinta “Global Somali Awards (GSA)”, waxay ka tarjumeysaa horumarka laga sameeyey dib-u-habeynta Bangiga Dhexe sanadihii lasoo dhaafay. Waxyaabaha guusha laga gaaray waxaa ka mid ah, hirgalinta nidaamka isku xirka bangiyada dalka (NPS), hirgalinta habka lambarka koontooyinka bangiyada ee caalamiga ah, ee loo yaqaan IBAN, nidaamka lacag bixinta deg dega ah ee loogu wanqalay ‘SOMQR’ iyo hirgalinta xeerar iyo shuruuc kale oo qeyb weyn ka qaatay dib-u-habaynta hannaanka maaliyadeed ee waddanka.

“Abaalmarinta GSA waxay ku timid dedaalka hagar la’aanta ee ah ee ay sameeyeen shaqaalaha, madaxda iyo Guddiga Maamulka Sare ee Bankiga Dhexe oo is kaashanaya” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Bangiga Dhexe.

Sannadkii 2023 ayaa sidan oo kale Bankiga Dhexe ku guuleestay Abaalmarin heer Caalami ah, oo ay guddoonsiisay, hay’adda la yidhaahdo “Central Banking”, oo fadhigeedu yahay magaalada London ee dalka Ingiriiska

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Odayaasha Dhaqanka oo Muqdisho ku qabtay Dibadbax ay kaga soo horjeedaan Xadgudubka Israa’iil

Bannaanbax ballaaran oo looga soo horjeeday faragelinta iyo xadgudubka...

Ciidamada Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay keydad biyo ah oo ay lahaayeen Khawaarijta

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigay keydkii...

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Beljimka oo ka bannaan-baxay aqoonsi beenaadka Israa’iil

Dadweynaha Soomaaliyeed ee deggan dalka Beljimka ayaa qabtay bannaanbax...

Xogta Xafiiska Hantdhowrka ee hufnaanta iyo qabashada Dakhliga Dowladda

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan...