-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Md. Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa xalay xarunta Madaxtooyada KGS ku qaabilay Guddoomiyaha Hayโadda Maaraynta Musiibooyinka Md. Maxamuud Macallin Cabdulle oo Maanta howlo shaqo ku gaaray Magaalada Baydhabo.
Kulankaan ayaa diiradda lagu saaray xaaladaha taagan ee baniโaadannimo, sidii gargaar loo gaarsiin lahaa shacabka Koonfur galbeed iyo u diyaar-garowga sidii loo gacan qaban lahaa dadka ay saameeyaan dagaallada dalka lagu xoreynayo Khawaarijta iyo door ku lahaanshaha barnaamijyada xasilinta.
Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay dardargalinta mashaariic loogu talagalay DG KGS oo ay hayโadda SoDMA fulin doonto iyadoo kaashaneysa Wasaradda Gargaarka KGS, mashaariicdaas oo uu maal geliyay Bankiga Aduunka, waxaana kulankaan goobjoog ka ahaa Wasiirka Gargaarka Koonfur Galbeed Cabdinaasir Cabdi Caruush.
Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa Hayโadda SoDMA iyo hoggaankeeda ugu mahad-celiyay howlaha ballaaran ee hayโaddu dalka ka waddo, gaar ahaan howlaha baniโaadannimo ee ay ka fulisay degaannada maamulkaas.
