Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo aqalka dowladda hoose kusoo dhaweeyay Xildhibaan Maxamed Caddow

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kusoo dhaweeyay Xildhibaan Maxamed Caddow oo ka tirsan Barlamaanka dalka Kenya, kaasi oo maalamahaan booqasho ku jooga Magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Maxamed Caddow oo ay wehliyeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa waxa uu Duqa Muqdisho ugu mahadceliyay soo dhaweynta diiran ee loogu sameeyay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar, asigoona warbixin la xariirta horumarada ka jira caasimadda ka dhageystay Duqa Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ku amaanay Xildhibaanka doorka uu kaga jiro Siyaasadda dalka Kenya iyo matalaadiisa Gobolka uu kasoo jeedo, asigoona dhinaca kale ugu baaqay in uu ka shaqeeyo isku xirka dadka Soomaaliyeed iyo Dowladda Kenya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Booliska Soomaaliya oo xiray dhalinyaro ku Eedeysan qalqal-gelin amni

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga degmada Hodan, ayaa...

Horjoogaal Khawaarijta ka tirsan oo lagu khaarijiyay howlgal laga fuliyay Gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal qorsheysan ka sameeyay deegaanka...

Ra’iisul wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Soomaaliya oo Ka Qayb gashay Kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Hindiya iyo Carabta

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...