GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO KA QEYB GALAY SHIRKA GUDDOOMIYAASHA BAARLAMAANADA EAC.

Date:

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO KA QEYB GALAY SHIRKA GUDDOOMIYAASHA BAARLAMAANADA EAC.

Nairobi, Kenya, 29 May 2024: Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS ayaa Magaaladda Nairobi ee dalka Kenya uga qeyb galay shirka guddoomiyaasha baarlamaanada wadamada Urur Goboleedka Iskaashiga Bulshada Bariga Africa (EAC) oo maanta si rasmi ah uga furmay Magaaladda Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya.

Shirkan oo looga hadlayo xalinta caqabadaha hortaagan horumarinta ajandayaasha ururka ayaa guddoomiyaasha ka qeybgalay furitaankiisa waxa ay ka hadleen muhiimadda uu shirkan u leeyahay horumarinta ururka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay furitaanka shirka ayaa marka hore dowladda Iyo shacabka Kenya uga mahadceliyay soo dhoweynta ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa, wuxuuna sidoo kale sheegay in shirkan uu ku soo beegmay wakhti loo baahnaa muhiimna uu u yahay howlaha ururka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS ayaa sheegay in Soomaaliya si la mid ah dalal badan oo ka mid ah dalalka Bariga Afrika ay sanadihii u dambeeyay la kulmaysay caqabado badan, hadana, adkeysi, go’aan, iyo taageerada saaxiibada gobolka ay sameysay horumarro la taaban karo oo ay kaga gudubtay caqabadahaas.

Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka hadlay isbedelada horumarka ee hada dalka ka socda ayaa yiri:- “Soomaaliya maanta waxay cagta saartay wadadii horumarka iyo soo kabashada, dhaqaaluhu waa uu kobcayaa, xaaladda ammaankuna waa soo hagaagaysaa, bulshada Soomaaliyeedna waa kuwa firfircoon, waxayna  hamuun u qabaan inay dhistaan mustaqbalkooda “

Ugu dambeyn waxa uu Guddoomiyaha sheegay Soomaaliya in diyaar u tahay in ay ka qayb qaadato horumarka Bariga Afrika islamarkaana ay noqoto dal xubin firfircoon ka ah ururka, sidoo kalena Baarlamaanka Soomaaliyeed ay ka go’antahay wada shaqeynta saaxiibadiisa Bariga Afrika si loo dhiso mustaqbalka nabada, xasilooni iyo barwaaqo ay helaan dhamaan Bulshada Bariga Afrika.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal guuleystay ku xoreeyay...

Ciidamada Qaranka oo gudaha u galay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo howlgallo ka dhan ah Khawaarijta...

Wasiirka Qoyska XFS oo khudbad ka jeedisay Shirka Haweenka Adduunka ee New York

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa...

Guddoomiyaha SoDMA oo sheegay in Soomaaliya u socoto dhanka nidaamyo xooggan oo ka jawaaba masiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle,...