Maxkamada Gobolka Banaadir oo xukuno kala duwan ka soo saartay Saraakiil ku Eedaysanaa Musuq maasuq

Date:

Maxakmadda gobolka Banaadir ayaa maanta ku dhawaaqday natiijada Xukunka 12 Eedaysane oo ka tirsanaa Hayaโ€™addaha kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Sida Hayaโ€™adda Socdaalka & Jinsiyadaha, Wasaaradda Maaliyadda iyo Banka dhexe.

Maxkamada ayaa wax dambi ah ku waydsy Eedaysanayaasha kala ah.

Maxamed Aadan Jimcaale Koofi Agaasimihii hore ee Hayโ€™adda Socdaalka iyo Jinsiyadda

Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) Agaasimihii hore ee Hayโ€™adda Socdaalka iyo Jinsiyadda

Agaasimihii Canshuurta Berriga ee Wasaaradda Maaliyadda Muxiyadiin Xasan Jurus (Muxiyadiin Saabey)

Cabdalla Maxamed Axmed ka tirsanaa Hayaโ€™adda socdaalka

cusmaan Xasan Cosoble ka tirsan Hayaโ€™adda socdaalka

Cabdikaafi Xasan Maxamed kana tirsanaa Hayaโ€™adda Socdaalka

Jacfar Maxamed Axmed kana tirsan wasaaradda Maaliyadda

Maxakamadda ayaa wax dambi ah ku wayday Eedaysanayaashan waxayna hayโ€™adihii ay ka tirsanaayeen amartay in dib loogu fasaxo xuquuqihii laga xayiray intii ay socotay dacwadda.

Sidoo kale Maxkamada ayaa xukuno kala duwan ku riday Eedaysanayaasha kala ah.

Maxamed Ibraahim Axmed ka tirsan Hayaโ€™adda Socdaalka waxay maxkamadu ku xukuntay 4 sano oo xadhig ah.

Cabdiraxmaan Maxamed Cali( Caadle) kana tirsan hayaโ€™adda Socdaalka iyo jinsiyaddaha 4 sanno oo xadhig ah iyo in aanu qaban karin wax xil dowladeed ah si joogto ah.

Abuukar Xasan Aadan ka tirsan Hayaโ€™adda Socdaalka iyo jinsiyaddaha waxay Maxkamadu ku xukuntay 4 Sanno oo xadhig ah

Maxamed Xuseen Nageeye kana tirsan Hayaโ€™adda Socdaalka iyo jinsiyaddaha waxay maxkamaddu ku xukuntay 2 sanno oo xadhig ah.

Cabdullaahi Daahir Weheliye kana tirsan Banka dhexe ku xukuntay 3 sanno oo xadhig ah iyo in aanu qaban karin xil dowladeed si joogto ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale