Madaxweynaha JFS oo ka hadlay xadgudub ka dowladda Itoobiya ay ku hayso madaxbanaanida

Date:

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khudbadii Salaadda Jimcaha uga hadlay xadgudub ka dowladda Itoobiya ay ku hayso madaxbanaanida, gobnimada,midnimada dalka iyo dadka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in wali ay rejo ka qabaan in horumar laga gaari doono qadiyada ku saabsan xadgudubka Itoobiya.

“Waxaan rabaa in ay dadka Soomaaliyeed iyo dadka Itoobiya ay ogaadan arrintaan wax ay salka ku hayso,dadka hoggaamiyaasha ah mararka qaar haddii ay tubtu ka wareerto dhibaatooyin badan ayaa ummadaha soo qaabila,sidaan horay u sheegnay Soomaaliya iyo Itoobiya waa laba dal oo daris ah, waddo aan ahayn in xiriir iyo cilaaqad wanaagsan ay yeeshaan fursad aan ahayn uma furnaa” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intaas ku daray “Mararka qaarkood madaxda soo marta ayaad mooda damacooda iyagoo aad uga fiirsaniin ummaddaan iyo tariikhadoodii hore ay soo mareen ayeey ka faa’iidaystaan,qaladna waxaa ugu daran midka inta gasho ee aad aragto in u dhibaato lee yahay ee aad gacmaha uga gubto oo aad ku noqnoqto,waxaana wanaagsan in aad cashir ka barato.”

Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay maanta ugu rajo roontahay oo ay cagaheed in ay isku taagto rabto,isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “waxaa jira dad badan oodunida  jooga oo anagga dhexdeen Soomaalida ku jira, oo dagaalku u sahlan yahay kana baqin oo ku dhiiran laakiin nabadda ka cabsada oo aaminsan in awoodiisa ay wiiqmayso, ra’iisul wasaaraha Itoobiya iyo Xukummadiisa ayaa mar kale waxay istuseyeen in Soomaaliya ay soo kabaneyso oo ay soo socoto marka inta aaney soo gaarin meesha ay ku habooneyd halaga faa’iidaysto oo tariikhdii fogeyd oo ay waligeed bad ku raadin jirtay Itoobiya aan uga faa’iidaysano, sidaas ayaana keentay isku dayga maanta jiraa in u yimaado, waxay doonayaan siday aaminsan yihiin in taariikh qarniyo hore qaldantay ay soo saxaan  balse sida ay wax ku doonayaan waxba kuma sixi karaan”.

Dhanka kale Madaxweynaha ayaa khudbadiisa kaga hadlay arrimaha dhameystirka dastuurka, hanaanka doorashooyinka dalka iyo halganka dalka lagaga xoreynayo Khawaarijta, arramaha doorshada dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirka Labaad ee Kaabayaasha Tayada Qaranka oo Muqdisho ka furmay

Waxaa maanta Muqdisho ka furmay Shirka Labaad ee Kaabayaasha...

Boliiska oo digniin adag kasoo saaray sumcad-dilka iyo aflagaado loo geysto madaxda qaranka & ku xadgudubka diinteenna suuban

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa digniin adag kasoo saaray sumcad-dil...

Taliyaha Ciidanka Dhulka :Dadka deegaanka ayaa sabab u ah in ciidanku ku jebiyaan Khawaarijta Ceeldheer

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal Cabdullaahi...

Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta

Jabkii isdaba joogga ahaa ee khawaarijta ka soo gaaray...