Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS oo ka qeyb-galaya Shir Madaxeedka dalalka Islaamka

Date:

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa gaaray Caasimadda Gambia ee Banjul, halkaas uu kaga qeyb-galayo Shir Madaxeedka dalalka Islaamka.

Wakiilka gaarka ah ee Soomaaliya u qaabilsan Geeska Afrika, Badda cas iyo Gacanka Cadmeed Danjire Yuusuf Garaad Cumar ayaa sheegay in Ra’iisal Wasaare ku xigeenka XFS, mudane Saalax Axmed Jaamac oo Wakiil ka ah Madaxweyne, Xasan Sheekh Maxamud uu ka qeyb-galayo Shir Madaxeedka dalalka Islaamka oo maanta ka furmaya Banjul.

Shir-madaxeedkan oo goor-dhow furmaya ayaa looga hadli doonaa arrimaha siyaasadda ee saamaynta ku leh dunida islaamka si gaar ah arrinta Falastiin.

Hoggaamiyeyaasha wadamada xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka, waxa ay mudnaanta siin doonaan arrimaha dhaqaalaha, bani’aadannimada, bulshada iyo dhaqanka, si gaar ah arrimaha ku qotoma dhalinyarada, haweenka, qoyska, culuumta, tiknoolojiyadda, warfaafinta iyo bulshooyinka muslimka ah.

Ajandaha shirka waxaa sidoo kale lagu soo hadal-qaadi doonaa diididda hadallada nacaybka, islaam nacaybka, kor u qaadidda wadahadalka iyo sidoo kale arrimaha isbeddelka cimilada iyo sugnaanta cuntada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulanka Goblaha Wasiirrada oo looga hadlay amniga dalka.

Muqdisho, Khamiis, 22 Jannaayo 2026: — Golaha Wasiirrada Xukuumadda...

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya oo Qatar kulan kula yeeshay Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Gudaha.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Madaxweynaha JFS oo qadka teleefanka ugu hambalyeeyay dhiiggiisa dalka Uganda.

Muqdisho, Jannaayo 21, 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka qaybgalay Shir-weyne ku Saabsan Nidaamka Federaalka.

Muqdisho, Janaayo 21, 2026: Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna...