Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS oo Tababar u furay Howl-wadeennada Warbaahinta Qaranka uga soo warama Gobollada Dalka

Date:

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa tababar bille ah oo ku saabsan isku-dubaridka fariimaha ka dhanka ah Khawaarijta magaalada Muqdisho uga furay inta badan howl-wadeennada gobollada dalka uga soo warama warbaahinta Qaranka.

Agaasimaha ayaa ujeedka tababarkan ku sheegay isku-dubaridKa wararka, fariimaha ka dhanka ah Khawaarijta,faallooyinka sameynta muuqaalada iyo ilaalinta bedqabka wariyaha ka soo waramaya goobaha fara ku tiriska ah ay ku harsan yihiin cadowga dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

” Tababarkan oo ah tababar bil kasta la qabto oo loo qabtay wariyaasha kala duwan ee warbaahinta qaranka iyo muuqaal duubayaasha ( Camero-man), ujeeddaduna tahay sidii la isugu dubaridi lahaa arrimaha fariimaha ka dhanka ah Khawaarijta haddii ay ahaan lahayd wararka, faallooyinka, sameynta muuqaalada iyo ilaalinta bedqabka wariyaha ka soo waramayo goobaha ay joogaan Khawaarijta oo marar badan oo kala duwan la qabtay siina socon doona,”.

Sidoo kale, Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta XFS Cabdullaahi Xayir Ducaale, ayaa soo dhoweeyay suxufiyiinta warbaahinta qaranka uga soo waramaya gobollada dalka ee qeybta ka ah tababarkan, isagoo dhanka kale, tilmaamay in tababarkan muhiim u yahay ururka haweenka oo door weyn ku leh ah dagaalka ka dhanka Khawaarijta ee ka socda dalka.

” Waxaan aad u soo dhoweyneynaa suxufiyiinta laga keenay gobollada, kuwaas oo ka soo warama gobollada iyo goobaha laga xoreeyay Khawaarijta iyo kuwa laga xoreyn doona intaba, tababarkani wuxuu muhiim u yahay warbaahinta qaranka gaar ahaan wariyaasha muuqaal duubayaasha iyo kuwa la shaqeeyaba, sidoo kale, wuxuu muhiim u yahay ururka haweenka oo iyaguna qeyb ka ah dagaallanka Khawaarijta, waxayna leeyihiin barnaamij la yiraahdo ” Gurigaada ka saar Garan-waaga,”,  ayuu yiri Agaasime Ducaale.

Tababarkan oo ay soo qagaasintay waaxda tababarka iyo shaqaalaha wasaaradda warfaafinta XFS, ayaa socon doona  muddo shan cisho ah, wuxuuna agaasime Cabdullaahi Xayir Ducaale, kula dardaarmay wariyaasha warbaahinta qaranka ka socda ee ka kala yimid gobollada dalka in ay si wanaagsan uga faa’ideystaan, wixii ay ka bartaanna ku celiyaan hay’adaha iyo goobaha ay ka kala yimaadeen, haba ugu badnaadaan wariyaasha gobollada ka yimid oo 14-warye gaaraa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga oo ka qeybgalay shir looga hadlayo arrimaha Barakacayaasha

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Mudane Axmed Xuseen...

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay Bakool

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay fuliyay howlgal qorsheysan...

Wasaaradda Caddaaladda oo shaacisay xiliga la qabanayo Shirweynaha 1-aad ee Bahda Caddaaladda Soomaaliyeed

Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS,...

Guddiga Madaxa Bannaan ee Dastuur BFS oo kulamo ka yeeshay arrimaha Dastuurka dalka

Guddiga Madaxa bannaan ee Dastuurka iyo Guddiga Lasocodka Dastuurka...