Tartamayaasha Degmada Laascaanood oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Date:

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa wareegga Labaad kulankiisa 5-aad ku tartamay Degmooyinka Kaaraan iyo Laascaanood oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Sool, waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelineya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Tartameyaasha labada degmoo ee Kaaraan iyo Laascaanood ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.

Kaaraan

Tartameyaasha Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay si sax ah uga jawaabeen Saddex su’aal, halka ay iska qaldeen Afar su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareermartay dhigooda Laascaanood , sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Kaaraan ay heleen waxay noqotay Sideed (08) dhibcood.

Laascaanood

Tartamayaasha Degmada Laascaanood ee Gobolka Sool waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Saddex su’aal, halka ay iska qaldeen Afar su’aal,, waxa ay ka faa’iideysteen Labo su’aal oo soo hareermartay tartamayaasha Degmada Kaaraan, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Laascaanood waxay noqotay Toban (10) dhibcood.

Hadaba kulankii 21-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga xiga u soo gudbay tartamayaasha Degmada Laascaanood ee Gobolka Sool, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Sawir Qaade:- Muuse Cabdullaahi Cirro

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA MARXUUM MAXAMED FAARAX JIIS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay gobolka Shabeellaha Dhex

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Gorgor, ayaa...

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq raashin ah oo la gaàrsiiyay

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq...

Xilheynta xilalka heer gobolka iyo degmo ee maamulka K/Galbeed

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Dowladda Soomaaliya ayaa...