Tartamayaasha Degmada Dhoobleey oo u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka “SAWIRRO”

Date:

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 5-aad ee wareegga koowaad ku tartamay Degmooyinka Gaalkacyo iyo Dhoobleey oo ka kala tirsan Gobollada Mudug iyo Jubbada Hoose, waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelineya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Tartameyaasha labada degmoo ee Gaalkacyo iyo Dhoobleey ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.

Intii lagu guda jiray qeybaha hore ee tartanka oo degmo waliba la weydiiyay min afar su’aal ayaa waxaa qodob ka mid ah sharciga tartanka jebiyay tartamayaasha degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, taasi oo ka dhalatay tabasho ay qabeen oo guddigu xaliyay balse ay ku kaceen fal ka baxsan sharuucda tartanka.u yaalo.

Guddiga tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka ayaa go’aamiyay in tartamayaasha degmada Dhoobleey oo ka wada jawaabay su’aalihi la weydiiyay la siiyo dhibcaha tartanki caawa, isla markaana guddiga uu go’aan ka gaari doono talaabada qaldan ee ay qaadeen tartamayaasha Gaalkacyo.

Hadaba kulankii 5-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga xiga u soo gudbay tartamayaasha Degmada Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Sawir Qaade:- Khadar Cali Nuur

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Qoyska oo kaarka codeynta ka qaadatay degmada Shingaani ee gobolka Banaadir

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda...

Wasiirka Isgaarsiinta oo daah-furay Madasha Saddexaad ee Amniga Cyber-ka Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda, Mudane Maxamed Aadan Macallin...

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar si loo xoojiyo iskaashiga labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...