Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad oo maanta bilaabay ka doodista cutubta 2-aad ee dastuurka KMG ah

Date:

Guddoomiyaha Golaha shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo wehliyo guddoomiye ku xigeenka Aqalka sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim ayaa shir guddoomiyay kulanka 17-aad ee wadajirka ah ee labada aqal ee Baarlamaanka JFS.

Ajandaha Kulanka maanta ayaa ahaa ka doodista soo jeedinnada wax ka bedelka Dastuurka KMG ah, Cutubka 2-aad Xuquuqda asaasiga ah iyo waajibaadka Muwaadinka.

Ugu horrayn, Guddoonka Guddiyada u xilsaaran dib u eegista Dastuurka ayaa Xildhibaannada iyo Senatorrada Labada Aqal BJFS la wadaagay warbixin soo koobaysa sagaalkii qodob ee cutubka koowaad ee Dastuurka KMG ah ee ka doodistoodu ay soo gaba gabowday, isla markaana soo bandhigay warbixin uruursan oo soo koobaysa nuxurka aragtiyadii Sanatarradii iyo Xildhibaanadii fikirkoda dhibtay.

Intaas ka dib Xildhibaannada iyo Senatorrada labada Aqal ayaa aragtidooda ka dhiibtay cutubka labaad ee dib eegista Dastuurka oo ay ugu horreeyaan arrimaha diinta, Xuquuqda aasaasiga ee muwaadinka Soomaaliyeed sida xorriyad hadalka iyo Sinnaanta oo ay si daah furan uga aragti dhiibteen.

Dhinaca kale, Xildhibaannada labada  Aqal ayaa go’aan Baarlamaan oo wadajir ah ku meel mariyay in Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan lagu taageero murashaxnimadeeda tartanka Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (African Union Commission) loogana jaro Xildhibaan kasta shan boqol oo dolar.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo hambalyo u diray Dagmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir 

Muqdisho, Nofeembar 06, 2025: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

Guddoomiyaha Golaha Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed, Mudane Maxamed Cali Siyaad,...