Soomaaliya oo ay ku soo qul-qulayaan dalxiisayaal AjaanIib ah

Date:

Iyadoo uu soo hagaagayo amniga guud ee dalka, waxaa dalkeenna waxaa soo gaaray dalxiisayaal ajaaniib ah, madax ka socota dalalku aynu saaxiibada nahay, howlwadeeno hay’adaha caalamiga ah, qurbooj iyo dhalinyaro Soomaaliyeed oo wax badan ka maqnaa dalka.

Dalxiisayaal u dhashay dalalka Austria iyo Jarmalka ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, iyagoo Tiyaatarka Qaranka ( National Theater) ku daawaday heeso waddani ah, ciyaaro hiddaha iyo dhaqanka ah iyo music toos ah ( Live).

Dr. Heemo oo u dhashay dalka Austri ayaa ka warbixiyay isbeddelka uu arkay 2013-kii oo uu mar yimid iyo maanta oo la joogo 2024, wuxuuna sheegay inuu jiro isbeddel weyn oo dhanka ah amniga iyo horumar la taaban karo.

” Markii ugu horeysay oo aan Soomaaliya nimid waxay ahayd bishiin 20213, markaas oo aan Xamar nimid, Xamar sidan ma ahayn waxyaabo badan ayay ugu duwaneyd xilligaas, waxaan aragnay waxyaabo badan oo bur bur ah, iskuulada oo bur bursanaa aragnay, laakiin hadda waxyaabahaas oo dhan maan arag,” ayuu yiri Mr. Heemo.

Dalxiisahan u dhashay dalka Austria Dr. Heemo, ayaa sidoo kale, ka hadlay waxyaabaha aad u soo jiidday muddadii ay dalxiiska ku jireen oo ay meelo badan oo dalka ka mid ah ay soo mareen.

” Isbeddelka weyn ee aan aragnay waxaa ka mid ah labo shey, ”midka ugu horeeyo waa dadka oo hadda u heelan una fur furan in ay dadka ajaaniibta ah la sheekeystaan soona dhoweeyaan, midda kale, oo ugu muhiimsan waxaa waaye xagga amniga, xagga amniga waxaa dareemeynaa inuu aad u soo hagaagay gaar ahaan markii aan u imaaneynay iyo hadda waxaan amni iyo bad-qab weyn dareemeynaa hadda,”’.

Dalxiisayaashan oo u kala dhashay dalalka Jarmalka iyo Austria, ayaa soo maray deegaannada Jubbaland iyo Shabeellaha dhexe, Eyl, Boosaaso iyo magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku soo arkeen isbeddel weyn oo dhanka kasta ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige...