Guddiga gaarka ah ee arrimaha xabsiga dhaxe ee golaha shacabka oo kulan la yeeshay taliyaha Ciidanka Asluubta

Date:

Guddiga Gaarka ah ee Arrimaha Xabsiga Dhexe Xamar ee Golaha Shacabka BJFS ayaa Maanta kulan kula yeeshay xarunta Guddoonka iyo Gudiyada ee Villa Hargeysa Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Mahad Cabdiraxmaan Aadan.

Kulanka waxaa shir Guddoominayay Guddoomiyaha Guddiga Gaarka ah xil. Gen. Bashiir Cabdi Maxamed Ameerika.

<Taliiyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa warbixin guud ka siiyay Guddiga xaalada maxaabiista Xabsiga Dhexe ee Xamar, asagoona aad ugu dheeraaday marxalada ay ku sugan yihiin maxaabista kuwa xukuman iyo kuwa xukun sugayaasha ah, tirada .axaabiista ku jira Xabsiga iyo guud ahaan xaalada Xabsiga Dhexe ee Xamar.

Taliyaha ayaa sidoo sheegay inay jiraan caqabado u baahan in laga taageero sida daryeelka Caafimaadka maxaabista iyo wax-baridooda iyo in laga saacido inay helaan Gaadiid iyo meesha lagu xiro Maxaabiista oo aad yar ayna ubaahan yihiin balaarin.

Intaasi kadib xubnaha guddiga ayaa Su’aalo la xariira xaalada maxaabista iyo Xabsiga dhexe ee xamar weydiyay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Mudane Mahad Cabdiraxmaan Aadan.

Waxa uuna taliyaha Ciidanka asluubta uu mid mid ugu jawaabay Guud ahaan Su’aalihii la weydiiyay.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Guddiga Xil. Bashiir Cabdi Maxamed ayaa uga mahadceliyay Taliyaha iyo mas’uuliyiintii la socday sida wanaagsan ay u soo ajiibeyn kulanka, Asagoona sheegay inay xoojin doonaan wadashaqeynta iyo dardar gelinta howlaha Baaxada leh ee horyaala Guddiga Gaarka ah ee Arrimaha Xabsiga Dhexe ee Xamar ay si wanaagsan uwada shaqeyn doonaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo xalay ka dhacay Muqdisho

Banaanbax ka dhan ah xadgudubka ay Israa’iil ku sameysay...

Madaxweynaha JFS oo kulan wada-tashi ah la qaatay Madaxda Dowlad-Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Madaxweynaha JFS oo la kulmay Mas’uuliyiinta Gobollada Waqooyi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Xildhibaanada labada Aqal oo ansixiyey qaraar ku saabsan diidmada iyo ka-hortagga xadgudubka Israa’iil

Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo...