Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka ayaa maanta oo Sabti ah kulan tacsiyeen ah ugu tagay Safiirka Dalka Isutaga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya

Date:

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa maanta oo Sabti ah kulan tacsiyeen ah ugu tagay Safiirka Dalka Isutaga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Amb. Axmed Jumca Al-Rumeysi.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA ayaa Safiirka iyo dowladda Imaaraadka uga tacsiyeeyay Saraakishii ku geeriyootay weerarkii argagixisanimo ee Xerada Gen. Gordan, Marxuumintan oo dalkeena u joogay inay gacan ka geystaan dib u dhiska Ciidamada Xoogga Dalka.

Guddoomiye Maxamuud ayaa dowladda Imaaraadka Carabta uga mahadceliyay taageradooda walaaltinimo ee ay la garab taganyihiin Shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladdooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha ciidanka dhulka oo gaaray deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto...

Wasiirka Arrimaha guddaha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta XFS Mudane Xildhibaan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo hoggaamiyey munaasabad lagu wareejinayey agab caafimaad

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhagax dhismaha wadadda Cabdiqaasim

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....