Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo u safraya Addis Ababa

Date:

Madaxweynaha Jahmuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah.
Madaxweynaha ayaa ugu horreyn ka hadlay Safar shaqo oo muhiim u ah danaha Qaranka oo uu ku tagayo dalka Itoobiya halkaas oo maalmaha soo socda ay ka qabsoomi doonaan Shirar ay ka mid yihiin, Shir madaxeedka Midowga Afrika, Shir Madaxeedka IGAD iyo Shir madaxeedka dalalka ku mideysan EAC.
Madaxweynaha ayaa dhanka kale ka hadlay Qorshaha dowladda ee dhammaystirka xoreynta deegaannada ku jira gacanta argagixisada iyo saamaynta taban ee ka dhalatay fatahaadihii Roobkii Elino ee ka da’ay deegaanada Jubaland.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...