Golaha shacabka oo ansixiyey laba hindise sharciyeed

Date:

Mudanayaasha Golaha Shacabka Baarlamaanka dalka ayaa ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Hay’adda Xisaabiyeyaasha Soomaaliyeed waxaana Haa ku ogolaatay 149-Xildhibaan Hal Xildhibaan ayaa diiday wax ka aamusayna ma jirin.

Hindisaha waxaa soo gudbisay oo golaha horgeysay wasaaradda Maaliyadda XFS, wasaaradda ayaana golaha uga mahad celisay ansixinta xeerka.

Dhinaca kale isla Mudanayaasha Golaha Shacabka ee BJFS ayaan ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Ilaalinta Maareynta Deegaanka oo dib loogu soo celiyey Golaha Shacabka, Si loo waafajiyo Qodobka 82aad Fagradisa 4aad ee Dastuurka KMG,waxaana Haa ku ogolaatay 150-Xildhibaan mana jirin Xildhibaano diiday ama ka aamusay.

Hindise sharciyeedka ayaa waxaa golaha usoo gudbisay Wasaaradda Deegaanka iyo isbadalka Cimilada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...