Masuuliyiin ka socday wasaaradda waxbarashada Hirshabeelle, Goddoomiyaha Degmada Cadale, Muuse Maxamed Fareey ,saraakiil , Ganacsato iyo hoggaamiyaasha bulshada ayaa ka qeybgalay xafladda dhagax-dhigga goobo waxbarasho,kuwo caafimaad iyo masjid laga hirgelinaayey deegaanka Ceel Xaashi oo hoostaga degmada Cadale ee Gobolka Sh/Dhexe..
C/Lle Maxamuud Bidaaye nabadoonada ka warbxiyay ahmiyadda adeegyadaan ay u leeyihiin bulshada iyo kaalinta ay ka qaadan karaan horumarka bulshada iyo kan Degmada Cadala .
Munasabad Dhagax dhigga waxaa kaloo ka hadlay, Prof. Maxamuud Xaaji Axmed kiimiko macalimiinta Jaamacadda Umadda iyo abbaanduulka Guutada Koowaad ee Ciidanka Daraawiishta Abuukar C/lle Raage
Dhulkaasi loogu talagalay adeegyada bulshada waxaa horay u bixiyay Xaashi Cumar Xasan oo sidoo kale horay u qoday ceel biyood.