Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Sheegay in Nidaamka Wadomarista uu qeyb weyn ka qaadanayo Badqabka Bulshada

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo ay wehliyaan Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Guddoomiye Kuxigeenka Amniga & Siyaasada Gobolka Banaadir ayaa kormeeray qaar ka mid ah Wadooyinka Caasimadda Muqdisho oo loo diyaarinaayo nidaamka wadomarista wadooyinka.

Taliyaha Ciidanka Nabadgalyada Wadooyinka Jeneraal Bishaar Axmed Geedi ayaa masโ€™uuliyiinta ugu warbixiyay qorshaha hirgelinta xeerka Nidaamka Wadomarista Magaalada Muqdisho oo meel wanaagsan maraya, asigoona sheegay in ay jiri doonto dhaqan gelinta xeerka iyo isla xisaabtan ku aadan ku xad-gudubta Nidaamka Wadomarista.

Duqa Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Qorshaha Nidaamka Wadomarista uu qeyb weyn ka qaadanaayo Badqabka Bulshada, yarenta saxmada wadooyinka iyo bilicda Caasimadda, asigoona ka digay in lagu xad-gudbo goobaha ka dhaxeeya Bulshada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...