Ciidanka Sirdoonka Qaranka oo gacanta ku soo dhigay Eedeysane Sayid Cali Macalin oo xaaskiisa ku gubay Muqdisho.

Date:

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka oo ku howlanaa sidii gacanta loogu dhigi lahaa eedeysane Baxsad Sayid-Cali Macalin Daa’uud, kaas oo 26 Jan 2024 Degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir ku gubay xaaskiisii marxuumad Luul Shiikh Cabdi oo ay u geeriyootay gubashadii ayaa ugu dambeyn galabta gacanta ku soo dhigay eedeysane Sayid -Cali Macalin Daa’uud iyo laba eedeysane oo gacan ku siinayay in uu cadaalada ka baxsado.

Ciidanka Nabad Sugidda oo maalmihii la soo dhaafay ku raad joogay eedeysanaha ayaa ugu dambeyn ka soo qabtay deegaanka Caad xilli uu halkaas ku dhuumaaleysanayay.

Eedeysanayaashaan ayaa gacan ku siiyay eedeysanaha 1-aad inuu ku dhuumaalysato dhulka ballaaran ee isku xira Gobolada Galgaduud iyo Mudug Halkaas oo ay suurto gashay in gacanta lagu soo dhigo xilli uu ku sugnaa deegaanka Cadayleey.

eedeysanayaasha kala ah Ingiriis Fanaxeey iyo Cabdirisaaq Macalin Daa’uud (Caluuke), ayaa laga soo qabatay deegaanka Gawaan oo hoos taga Degmada Wisil ee Gobolka Mudug xilli ay ku howlanaayeen fududeynta baxsashada eedeysane Sayid-cali oo la qorsheeynayay inuu doon ku baxsado markale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo daahfuray madasha labaad ee Istiraatiijiyadda warbaahinta 2026

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka hadlay horumarinta Warbaahinta Dowladda iyo tayeynta wariyaasha

-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...