Wasiirka Maaliyadda XFS oo ka qeybgalay xaflad loo sameeyay xuska maalinta furdooyinka dunida

Date:

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay, isla markaana lagu maamuusayay Maalinta Caalamiga ah ee Fudooyinka ayaa lagu qabtay Dekadda weyn ee Magaalada Muqdisho.

Munaasabadaas waxaa ka qeyb galay dhammaan masuuliyiinta sare ee Wasaaradda Maaliyadda, qeybaha kala duwan ee Maamulayaasha Fudooyinka, Ganacsato iyo Saraakiisha Hoggaanka ilaalada cashuuraha.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane ๐๐ข๐ข๐ฑ๐ข ๐ˆ๐ฆ๐š๐š๐ง ๐‚๐ข๐ ๐ž oo hadal kooban ka jeediyay Munaasabadda ayaa u mahadceliyay dhammaan Madaxda iyo Shaqaalaha Fudooyinka ,isagoo sheegay in uu qirsan yahay in shaqaalaha ay qabteen howl muhiim u ah dib-u-habeynta iyo kobcinta dakhliga.

wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in la casriyeeyay hannaanka dekhli uruurinta, waxa uuna intaa ku daray in la sii horumarin doono qaabka shaqo ee Kastamyada Dowladda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...