Madasha garyaaqannada Soomaaliyeed“Gobonnimada iyo Midnimadeeda dhuleeed ee JFS waa lama taabtaan”

Date:

War qoraal ah oo ka soo baxay Madasha Garyaaqannada Soomaaliyeed ayaa lagu yiri sida tan.

Madasha Garyaaqannada Soomaaliyeed oo ah madal ay ku midaysanyihiin xeeryaqaanka Soomaaliyeed waxa ay qabatay kulan cilmiyeed ku saabsan aragtida sharci ee xadgudbka Dowladda Itoobiya ay ku soo xadgudubtay gobnnimada iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya,waxaana laga soo jeediyey aragtiyo sharci,gebogabadiina waxa ka soo baxay qodobadan:-

MADASHU WAXAY CADDEYNAYSAA:
1. In gobonnimada Dowladda Soomaaliya iyo Midnimadeeda dhuleeed ay tahay  lama taabtaan sida ku cad cahdiga Qaramad Midoobay (QM), iyo ururgoboleedyada Midawga Afrika, IGAD, Jaamacadda Carabta, Ururka Iskaashiga Islaamka iyo sida ay dhigayaan curfiga iyo xeerka caalamiga ahi.

  1. In is af-garadka la sheegay in galeen Dowladda Ethiopia iyo Soomaalilaan uu yahay faragalin arrimaha Soomaaliya, taas oo baalmarsan curfiga caalamka,diblumaasiyadda iyo xeerka caalamiga ah.
  2. In Maalgashiga Caalmiga ah ee Soomaaliya uu nidaaminayo sharci, heshiis kasta oo aan sharciga waafaqsaneyna uusan ahayn heshiis maalgashi.
  3. In Dowladda Soomaaliyeed ay xaq qaanuuneed u leedahay in ay is difaacdo, sidoo kale in ay Dowladaha xiriirka la leh la kaashato difaaca dhulkeeda si waafaqsan qodobka 51aad ee cahdiga QM, haddii lagu soo xadgubo gobnnimadeeda iyo midnimadeeda dhuleed.
  4. In Shareecada islaamka aysan ku bannaanayn in dhulka Muslimka la makaniyo (loo gacan galiyo) cadowga Muslimka,halkaana ay dhibaato ka soo gaarto danahooda masiiriga ah. Waxayna shareecadu qabtaa in xukunka shayga lagu dhiso waxa uu ku danbayn doono, ee aan wax lagu dhisin kaliya waxa hadda jira .MADASHU WAXA AY SOO JEEDINAYSAA: –
  5. 1. In Dowladda Soomaaliya aysan marnaba oggalaan tallaabo kasta oo xadgudub ah oo baalmaran xeerarka dalka iyo kuwa caalamiga ah taas oo wax u dhimi
    karta gobonnimada iyo midnimada Soomaaliyeed, cid kasta oo ay ka timaadaba.
    2. In dib-u-habayn iyo qaabeyn lagu sameeyo, korna loo qaado tayada howl[1]wadeena xafiisyada sarsare ee dowladda gaar ahaan kuwo la falgala xariirrada dibadda sida Wasaadadda Arimaha Dibadda, wasaaradda cadaaladda iyo Arimaha Dastuurka iyo Garyaqanka guud.
  6. Dawladdu waa in laba safiir oo kala duwan u magacowdaa dalalka iyo ururrada xaruntoodu ku taallo dalalkaas si looga fogaado in xubnaha nagu matalaya ururrada maqnaadaan haddii labada dawladadood xiriirkoodu xumaado.
    Ugu danbeyn waxaan uga mahadcelineynaa Dawladda Soomaaliya tallaabooyinka iyo mowqifka ay ka qaadatay ilaalinta iyo difaaca gobannimada, madaxbannaanida, iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Boliiska oo xariga ka jaray Dhismaha Dugsiga Qur’aanka Kariimka ee Gabdhaha Agoonta Boliiska

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...

Qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada oo kormeer ku tagay goobaha laga qaadanayo kaarka codbixinta

Qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Amniga Gudaha oo Hey’adda UNDP kala wareegay gaadiid loogu talagalay hay’adaha amniga

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo shacabka Caasimadda ugu baaqay inay qaataan kaarka codbixinta

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Xasan...