Dowladda Imaaraadka carabta oo taageertay madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya

Date:

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalka Imaaraadka Carabta Khalifa Shaheen Almarar ayaa ka qeyb galay kulan aan caadi ahayn oo maalinimadii shalay u qabsoomay Golaha Wasiirada ee Jaamacadda Carabta .

Kulankaan  oo ahaa mid muuqaal ah ayaa daba socda codsi ka yimid Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,waxaana lagu falanqeynayay waxyaabihii u dambeeyay ee ku soo kordhay xidhiidhka Soomaaliya iyo Itoobiya, iyo saamayntii ka dhalatay heshiiskii is-afgarad ee dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland.

Intii uu socday kulanka, wasiiru dowlaha ayaa caddeeyey in ay taageersan yihiin madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, isagoo ku celceliyey in ay garabtaagan yihiin dowladda Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalka Imaaraadka Carabta Khalifa Shaheen Almarar oo sii wata hadaladiisa ayaa tilmaamay in dalalka Carabtu ay isku raacsan yihiin gacansiinta dowladda Soomaaliya iyo wax kasta oo ay u arkaan in ay lagama maarmaan u yihiin  arrimaha Soomaaliya.

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Dalka Imaaraadka Carabta ayaa hoosta ka xariiqay baahida loo qabo in la sameeyo dadaal iyo waxqabad ku aadan horumarinta amniga iyo deganaanta geeska Afrika iyo  sidoo kale dajinta xiisadda iyo raadinta wadahadal diblomaasiyadeed.

Gabagabadii kulanka ayaa laga soo saaray go’aan lagu taageerayo Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SoDMA oo howla shaqo ku jooga dalka Pakistan oo booqday Hay’adda NDMA. 

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle...

Wasiirka Wasaaradda Teknoolojiyadda XFS oo ka qeyb galay shirka Golaha Wasiirrada Isgaarsiinta Carabta.

Magaalada Qaahira ee Dalka Masar ayaa martigelisay shir heer...

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ka qayb galay Shirka Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Sare ee Qaaradda Afrika.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Jarmalka oo booqasho ku yimid Soomaaliya.

Wafdi heer sare ah oo ka socday Dowladda Jamhuuriyadda...