Madaxweyne Xasan: Dhul Soomaaliyeed kama gor-gortamo xukunna kuma doorto

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay Masjidka Madaxtooyada ayaa sheegay in marna uusan dhul Soomaaliyeed ka gor-gortameynin, isagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in qof kasta ay waajib ku tahay ilaalinta dhulka Soomaaliyeed.

“Xasan Sheekh Maxamuudaa la iyiraahdaa, waana la iyaaqaa dhul Soomaaliyeed kama gor-gortamo, xukun kuma doorto, waxaan ku doorsanayo majiraan, kuwa naga dambeeyo Alle haka haayo, oo talada Alle noogu ma dhiibo kuwa masaalix adduunyo wax lamid ah ku badalanaya” ayuu yiri Madaxweyne Xasan.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay aqoonsiga Muuse Biixi sheegay in ay Itoobiya siineyso ayuu sheegay in taasi waxba ka jirin oo aysan waxba u tarin, loona sheegay mala awaal waxba ka jirin.

“Haday idin dhahdo waan idin aqoonsanay waxba idiin ma taro, dhulka yuusan idin dhaafin, oo sabab ha u noqonina taariikh xun ha ku galinina, dhulkan waa dhulkii ay awoowyaashiina ay diideen in naag umul ku dhasha oo cunug ajanabi ah ku dhasho uu wax ku sheegto” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha JFS ayaa sheegay in dowladda Ingiriiska ay xiligii gumeysiga sidan oo kale damaca Itoobiya diiday iyadoo tix galineyso heshiiskii kala dhaxeeyay Odayaasha Dhaqanka gobollada Waqooyi, isagoo soo hadal qaaday dhulka dowladda Itoobiya heysto ee Soomaali Galbeed.

“Kuwa Soomaali oo aan talo fiicneyn oo barigaas talo kulahaa dhulka baxay inuu baxay, Soomaali talo xumaatay oo masaalix ka dhax arkay cadowga ayaa dhulkaas bixisay, waana aragnay meesha maanta jooga inaan qorniga 21-aad mid kale bixino sax ma ahan” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxgaradka dagan gobollada Waqooyi ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay inaysan marna ogalaan damaca liita ee dowladda Itoobiya ee ku aadan in dhul Soomaaliyeed la siiyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Dr. Maryan Qasim oo kulan la yeelatay Safiirka UK ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray xarunta keydka Daawada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Dowladda Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka sare ee Afrika iyo Faransiiska ee ka dhacaya Nairobi

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Baarlamaanka Carabta oo cambareeyay markab shidaal iyo badmaaxiin u dhashay Masar oo la afduubtay

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Maxamed bin Axmed Al Yamaaxi, ayaa...