Wasiirka Arrimaha gudaha XFS oo maanta guddoomiyey kulan looga hadlayey shirka guud ee wasaaradda.

Date:

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta guddoomiyay kulan guud oo ay kasoo qeybgaleen Agaasime waaxeedyada iyo Lataliyeyaasha Wasaaradda kaas oo lagu soo gabagabeeyay kulamada warbixinnada waxqabadka Wasaaradda ee 2023-ka iyo ballanqaadyada Wasaaradda ee 2024-ka.
Ugu horreyn, Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Cabdicasiis Axmed Gurbiye ayaa sharaxay iyada oo lagu shaqeynayo hagidda Wasiirka heerarka howlihii lasoo qabtay, kooxihii kala duwanaa ee ku shaqeynayay iyo natiijada warbixinta, waxaa uuna Agaasimeyaasha, Lataliyeyaasha iyo guud ahaan howlwadeennada uga mahadceliyay sida wadajirka ah loo wadasahaqeeyay.
kulanka inta uu socday waxaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan iyada oo la falanqeeyay natiijada mid weliba.
Ugu dambeyntii, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallin Fiqi oo ka hadlay gebogabada kulanka ayaa bogaadiyay howlaha la qabtay ee warbixinta 2023, kooxdii kala duwanaa ee kashaqeysay iyo habka diyaarinta ballanqaadyada Wasaaradda ee 2024, isaga oo adkeeyay in aan la aqbali doonin wax gaabis ah oo la xiriira Halbeegyada iyo Howlaha kala duwan ee ku xusan ballanqaadyada 2024-ka.
Wasiirka waxaa uu xusay ahmiyadda in la gaaro dhammaan hortabinnada Wasaaradda ee la xiriira dowlad-dhiska, Federaaleynta, Dhab u heshiisiinta, doorashooyinka iyo dhammaan howlaha kale ee qaran.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan.

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka”.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo...

Guddiga Doorashooyinka oo ku shaaciyay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka.

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...