Guusha Deyn cafintu, maxay uga dhigan tahay Soomaaliya?

Date:

– Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige, ayaa sharaxad dheeri ka bixiyay waxa ay Soomaaliya uga dhigan tahay Barnaamijka deyn-cafinta iyo faaโ€™idada laga helayo.

Wasiika ayaa hoosta ka xariiqay in faaโ€™idada koowaad ee Soomaaliya ay ka heleyso lacagaha deynta ee laga cafiyay ay tahay in mar kale macaamiil toos ah la yeelato hayโ€™adaha maaliyadeed ee adduunka iyo in kalsoonida maalgashi ee dalkeennu kor u kacdo.

โ€ Waxay koow ka tahay in culeyskii deymeed inaga haray iyo in mar labaad dib u dhalanay marka laga hadlayo macaamilaadka hayโ€™adaha maaliyadeed ee adduunka oo macaamil toos ah la yeelan doono, in kalsoonida maalgashi ee dalkeennu kor u kacdo, fursado kobac dhaqaale iyo mid shaqo abuurna ay ka dhalan doonaan iyo in sumcaddeenii dal ahaan kor u kacdo,โ€ ayuu yiri wasiirka oo ka jaabayay suโ€™aalo ay shacabka Soomaaliyeed ka weydiiyeen Barnaamijka Deyn-cafinta.

Sidoo kale, wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa tilmaamay in fursado waa weyn oo ay ugu mudan yihiin kuwa uu hore u soo sheegay ay ku jiraan tallaabada Soomaaliya looga cafiyay deyn dhan 4.5bilyan dollar, taas oo ku guuleysatay geeddi muddo dheer soo socday Dowladda uu hoggaamiyo mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Deymaha nalaga cafiyay ayuu wasiirku sheegay in la qaatay xilli hore, waxaana deyntii ugu horeysay oo qeyb ka ah kuwa hadda nalaga dhaafay la qaatay 1961, waa xilligii xornimada aynu qaadanay wax yar ka dib, waxayna ahayd lacag Ruuska laga qaatay oo ahayd โ€ Commercial loanโ€, sida uu wasiir Biixi hadalku u dhigay.

Dalkeenna Soomaaliya ayaa guul taariikhi ah ka soo hooyay Barnaamijka Deyn cafintu, wuxuuna madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Washington ee dalka Mareykanka kula kulmay masโ€™uuliyiinta ka tirsan hayโ€™adda Lacagta Adduunka iyo Bankiga Adduunka ayaa uga mahadceliyay doorkoodii guushii taariikhiga ahayd ee dalkeennu ka gaaray barnaamijka deyn cafinta.

Madaxweynaha ayaa masโ€™uuliyiintan kala hadlay sidii hayโ€™adahoodu ay markale Soomaaliya ugu garab istaagi lahaayeen xaqiijinta himmilooyinka dhaqaale ee u dagsan, tayaynta hayโ€™adaha maaliyadda, kor u qaadista dakhliga iyo maalgashiga caalamiga ah .

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale