Wasaaradda Waxbarashada DFS oo dib u furtay iskuulaadkii Maxaas ee Cadowgu burburiyey.

Date:

Wasiir ku xigeen Wasaaradda Waxbarashada dowladda federaalka Soomaaliya Axmed Cismaan Ibraahin ayaa xarigga ka jaray dhismo dayactir ah oo lagu sameeyay dugsiga waxbarashada ee Degmada Maxaas.

Dugsigaan oo sidoo kale lagu sameeyay qalaneyn waxaa xafladdii xarig jarka ka hadlay Wasiir ku xigeen Wasaaradda Waxbarashada XFS,isagoo sheegay in hadafka dowlada uu yahay la dagaalanka jahliga iyo horumarinta waxbarashada.

Xafladdaasi waxaa kaloo ka hadlay Wasiirka Waxbarashada Dowlad Goboledka Hirshabeelle Maxamed Maxamuud Cabdulle iyo Guddoomiyaha Degmada Maxaas Muumin Maxamed Xalane.

Dugsiga degmada Maxaas ayaa bilo ka hor ku dumay qarax ay ka dambeeyeen kooxaha khawaarijta ee diidan nabadda iyo hormarka Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta oo gaaray magaalada London.

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Al-Cadaala, ayaa...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...