Taliska Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo faahfaahin ka bixiyay dagaalka aagga Caad

Date:

Taliyaha Ciidanka dhulka xoogga dalka General Dayax Cabdi Cabdulle oo la hadlay warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa sheegay in tira ka badan 80 khawaarij ah dhibasho iyo dhaawac lagu gaarsiiyay aagga deegaanka Caad ee koofurta Gobolka Mudug.

 

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya Daraawiishta Galmudug, iyo xooggaga deegaanka ee macewsley  ayaa saddexdii maalin ee lasoo dhaafey cashar adag ugu dhagay khawaarijtii ku sugneed deegaannada Jeex Jeexa iyo Caad.

 

Taliye Dayax ayaa sheegay in saldhigyadii lagu dagaalamay dhammaan ay ku sugan yihiin geesiyaasha Qaran, dhanka kale khawaarijta oo dagaalkan jab xooggan kasoo gaaray ayaa u firxaday dhulka hawdka ah ee dhaca xaduuda Gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo si weyn lagu soo dhaweeyay Laascaanood .

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo gaaray Laascaanood.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...