Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeye Guusha laga gaaray Cunaqabateydii Soomaaliya Saarneed Mudo 31 Sano
S/Gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa ugu Horeyntii ugu Mahadceliyey Madaxda Sare ee dalka kaalinta wanaagsan ay ka qaateen in Soomaaliya laga qaado Xayiraada Hubka
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa Xusay in Ciidanka Xoogga Dalka ay Muhiimad gaar ah u leedahay in Soomaaliya laga qaado cunaqabataynta hubka ee saarneed
Soomaaliya ayaa mudda 31-sano ah waxaa saarnaa cunaqabeteyn dhanka hubka,taa òo u diiday in ay hub casri ah hesho,balsa maanta kadib dowaladda waxa ay awood u leedahay in hubka ay doonto soo iibsan karto si loo qalabeeyo ciidanka Qarnka.