Lataliyaha Madaxweynaha JFS ee Xakameynta Qulqulka Hubka Sharci-Darrada ah oo soo dhaweeysay Cunaqabteynta hubka ee laga qaaday Soomaaliya

Date:

Lataliyaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Xakameynta Qulqulka Hubka Sharci-Darrada ah Marwo Mako Maxamuud Muuse ayaa soo dhaweysay in Soomaaliya laga qaado cunaqateynta hubka ee mudada dheer saarneyd.

Waxa ay Lataliye Makko sheegtay in Dowladda ay dadaal badan ku bixisay si guushan loo gaaro islamarkana ay faa’ido badan u leedahay Soomaaliya iyada oo tilmaamtay in hadda wixii ka dambeeya ay kordhi doonto awoodda ciidamada qalabka sida.

“ Ka qaadista cunaqabateynta hubka waxey qeyb weyn ka doon doontaa xorreynta degaannada Khawaariijta ay ku suganyihiin iyo in guud ahaan dalka oo dhan laga sifeeyo Argagixisada iyo inaan si heer sare ah u qalabeyno ciidankeena xoogga dalka oo xudeedaheena aan ilaashano” ayey ku tiri qoraal ay soo saartay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo kulan la qaatay hoggaanka Ururrada Bulshada Rayidka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo kulan la qaatay hoggaanka Ururrada Bulshada Rayidka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta...

Wasiir Fiqi oo sheegay in xubno sare oo Khawaarijta ka tirsan codsiyo u soo dirsadeen dowladda

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Guddoonka labada Aqal ee BFS oo ganaaxay Xildhibaanno qalalaaso ka sameeyay fadhigii wadajirka ahaa

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...