Madaxweyne Xasan: Soomaaliya waxaa cuno qabataynta hubka laga qaadi doonaa bilowga bisha December

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 4-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigay hiigsiyada qaran ee ay dadaalka ku bixisay dowladdu, kuwaas oo ay ugu horreyaan cafinta deynta lagu leeyahay dalkeenna, qaadista cunaqabateynta hubka, aqbalaadda codsiga Soomaaliya ee ka mid noqoshada Dallada Bulshada Bariga Afrika iyo xoreynta deegannada ku jira gacanta argagiiixisada.

Madaxweynaha ayaa sheegay in sannadkan gudihiisa laga guul gaarayo arrimaha inta badan la xiriira dibadda iyo beesha caalamka, maadaama la hagaajiyey xiriirka iyo diblumaasiyadda dalkeenna, balse looga fadhiyo dadka Soomaaliyeed in ay ka libin keenaan qorsheyaasha u gaarka ah ee ku aaddan dhammeystirka dastuurka, xoreynta dalka iyo nabadda.

“Baarlamaanka Soomaaliya markii uu ansaxiyay shurrucdii loo baahnaa waxaa ka dhashaa in dhawaan deynta la cafiyo iyo cunaqabateynta hubka oo nalaga qaadayo. Dib u eegista dastuurkana waxaa ka dhalan doona Soomaaliya oo loo arko dal iska jaray dabarkii, haddii aan ku guuleysanno dhammeystirka adduunka waxaan noqonaynaa dal ay u dhammeystiran tahay qarannimadiisu, adduunyaduna ay sidaas ula macaamisho.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka warbixiyey guulaha siyaasadeed, amni, dhaqaale, dib u heshiisiinta iyo horumarineed ee ay ku tallaabsatay Dowladdu muddadii la soo dhaafay, isaga oo tilmaamay sida ay uga go’an tahay in kor loo qaado nolasha dadka Soomaaliyeed, cirib-tirka saboolnimada iyo daminta colaadaha sokeeye.

“Afartii bilood ee ugu dambaysay waxaa dakhliga gudaha uu kordhay 25%, tani waxaa ay ku timid hawl hufan oo la qabtay, waxaana ay sababtay in miisaaniyadda dawladda ee sannadka 2024 ay gaarto in ka badan hal bilyan oo dollar. Dowladnimo waxay ku jirta sharci, haddii sharcigu daciif yahay ama aan la dhaqan-gelinayn dowladnimo waa adkaanaysaa”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in dowladdu ay dadaal badan gelisay xasilinta dalka, colaadaha iyo kor u qaadidda xiriirka ka dhexeeya Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada, iyada oo la ilaalinayo midnimada iyo wadajirka Soomaaliyeed, waxa uuna baaq nabadeed ka diray khilaafka doorashooyinka ee ka taagan Soomaaliland iyo Puntland.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha Hirshabeelle oo furay Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa maanta...

Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada oo goordhow ka furmaya Jowhar

Magaalada Jowhar waxaa maanta lagu furayaa Shirka Madasha Arrimaha...

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka oo soo xiray wajiga labaad ee tababarka Nidaamka PISCES

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Mudane...

Madaxweynaha Hirshabeelle oo xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha SoDMA

Madaxweynaha Hirshabelle, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa xafiiskiisa Madaxtooyada...