Daraasadda Maalgashiga Dalxiiska iyo Martisoorka Soomaaliya oo laga daah-furay Muqdisho

Date:

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska iyo Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqalaaha ayaa magaalada Muqdisho ku daahfuray Warbixinta Daraasadda Maalgashiga Dalxiiska iyo Martisoorka ee Soomaaliya.

Daraasadda ayaa waxaa si rasmi ah u daahfuray Wasiirka Warfaafinta, Mudane Da’uud Aweys Jaamac iyo Wasiirka Qorsheynta Qaranka, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene).

Warbixintu waxa ay daaha ka qaadaysaa aragtiyo badan, waxa ayna dhiirrigelinaysaa fursadaha maalgashi iyo caqabadaha ka jira qeybta dalxiiska iyo martisoorka ee dalka Soomaaliya.

Daraasaddu waxay albaabada u furaysaa fursadaha aan la ogaan karin, iyadoo dhiirigelinaysa maalgashadayaasha gudaha iyo kuwa shisheeyeba inay gacan ka geystaan kobaca qaybtan. Marka laga yimaado doorka muhiimka ah ee Martisoorka iyo Dalxiiska ay ku leeyihiin dhaqaalaha Soomaaliya, ma jirto daraasad qeybtan laga sameeyay soddonkii sano ee la soo dhaafay.

Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqalaaha waxa ay ku dadaaleysaa in ay diyaariso shuruucda u sahlaya maalgashatada gudaha iyo kuwo shisheeye iyadoo horay Golaha Baarlamaanka ay u meel mariyeen sharciga Dhowrista Maalgashtada iyo Maalgashiga.

Daraasaddan waxaa si wadajir ah isaga kaashanaya Wasaaradda Warfaafinta iyo Wasaaradaha Qorsheynta Qaranka Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Musharixiinta u taagan kursiga HOP204 oo qaatay shahaadada Musharxnimo

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...

Madaxweynaha JFS ayaa Kulan La Qaatay Wasirrada XFS iyo Xildhibaannada Labada Aqal Ee Baarlamaanka Dalka Ee Ku Sugan Magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxaweynaha JFS oo qaabilay duqa magaalada Baydhabo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...